Shirka dib u eegista siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo la soo gabagabeeyay
Gunaanadka shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta u aheyd maalintiisii labaad ayay ka qayb galeen hablo loo soo xulay ku biirinta soo jeedino la xiriiro dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo magaalada Dhuusamareeb ay wadajir ugu qabteen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Federaalka iyo Galmudug.
Calas Cabdinuur Barre Gudoomiyaha dhalinyarada Caasimada iyo...
Xijaar “Ma jiro Musharrax aan u diidnay warqadaha dambi la’aanta”
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Xijaar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin cid loo diiday waraaqda danbi la’aanta ah ee musharixiinta xildhibaanada.
Taliye Xijaar ayaa sheegay in aan weli la bilaabin bixinta warqada danbi la’aanta ee loogu tala galay musharixiinta isagoo xusay in ay weli diyaarin ku jirto isla markaana si siman looga bilaabo doono Goboladda...
Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray dhismaha bangiga Puntland
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Bangiga waxaa dhistay Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni 3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga maamulka.
Dhismaha xarumaha dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo shacab-weynaha Puntland...
Shir looga hadlayey dhismaha wadada Jaziira oo lagu qabtay Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga qeybgalay Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo ka tirsan Degmada Wadajir.
Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda DFS iyo Danjiraha...
Guddiga doorashada oo la kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka
Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga mudane Maxamed Xasan Cirro, ayaa caawa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu kulankan kusoo aadayaa,...
Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Laascaanood
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay mas’uul ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.
Sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Sool Cabdullahi Laba-Go’le ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli aan cidna loo soo qaban dilka loo geystay marxuumka, inkastoo...
Muxuu Rooble ka yiri shaacinta musharaxiinta Aqalka sare ee K/Galbeed?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda.
Ra’iisal wasaare ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo in ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.
Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii dambe...
Madaxweyne Farmaajo oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil...
RW Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho, kana warbixiyey shirkii London
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay kooxda ciyaartoyda Kismaayo lagula beegsaday, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Marka hore waxaan rabaa inaan...
AMISOM oo ciidamo gaar ah u diyaarisay amniga doorashooyinka
Taliyaha booliska AMISOM Augustine Magnus ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo suga amaanka goobaha doorashooyinka Soomaaliya oo Khamiistii ka billowday Kismaayo.
AMISOM waxay sheegtay inay u diyaar garowday ilaalinta amaanka goobaha doorashooyinka Baarlamaanka lagu qabanayo, waxayna u xil-saartay Ciidan boolis ah oo la shaqeyn doono kuwa Soomaalida.
Howlgalka Midowga Afrika waxuu xusay in tani ay qeyb ka qatay waajibaadkooda amniga iyo...













