Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadda Ciidda Carafo kumaan shacabka kula tukaday Muqdisho
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Mogadishu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.
“Kama tageyno in...
Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Salaadda Ciidda ku oogay deegaanka Xaaji Cali
Soomaaliya, Shabelle Dhexe - Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, gaar ahaan Ururka 9-aad ee Guutadda 18-aad, ayaa maanta salaadda Ciidul Adxaa ku oogay deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabelle Dhexe, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Guutada 18-aad Qaybta 1-aad ee CXDS, Aadan Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada...
Rooble oo munaasabadda Ciidda Carafo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho - Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed xuseen Rooble, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa,” ayuu yiri Rooble.
Ra’iisulwasaarihii hore ayaa Alle SWT uga baryay shacabka Soomaaliyeed...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed Machadka Raoul oo kala saxeexday heshiis lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta hay’adda, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqaalaha, is-weydaarsiga...
Shariif Sheekh Axmed oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo
Mogadishu – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo shacabka u rajeeyey nabad, barwaaqo iyo isku duubni.
Shariif Sheekh Axmed ayaa farriintiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada iyo ilaalinta xasilloonida dalka, xilli ay shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan dabaaldegyada Ciidda.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ayaa sidoo kale farriin adag...
Somali President Extends Eid al-Adha Greetings, Praises Security Forces
MOGADISHU, Somalia — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Tuesday extended Eid al-Adha greetings to the Somali people, urging unity, compassion and support for vulnerable communities during the Islamic holiday.
In a statement issued from the presidency in Mogadishu, Hassan Sheikh described Eid al-Adha as a blessed occasion carrying deep religious significance and values rooted in love, sacrifice, brotherhood and...
Xasan Sheekh shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa
MUQDISHO - Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul.
“Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
“Waxaan halkaan...
Somalia Faces Rising Ebola Threat as US Imposes Temporary Travel Restrictions
MOGADISHU, Somalia — Somalia is facing growing fears over the possible spread of Ebola as the deadly virus resurfaces in parts of Africa, while the United States has imposed temporary travel restrictions targeting travellers linked to affected countries.
US authorities announced temporary measures barring entry for certain travellers, including some visa holders and permanent residents who have recently visited the...
Soomaaliya oo wajaheysa khatarta Ebola iyo Mareykanka oo soo saaray xannibaad ku meel gaar ah
Mogadisho, Soomaaliya — Xilli uu Afrika dib ugu soo labakaleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola, dowladda Mareykanka ayaa qaadday tillaabo adag oo dhanka socdaalka ah, halka khubarada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya, maadaama uu cudurku ku dhow yahay xuduudaha dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucday in dalkeeda ay soo...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Oo walaac ka muujiyey Dhacdo Ka Dhacday Jubbada Hoose
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdo ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in, iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, ay...










