Somalia elects new leadership of National Human Rights Commission
MOGADISHU – Somalia on Wednesday held a closely watched election for the leadership of its National Independent Human Rights Commission, a vote seen as setting the direction of the body for the next four years.
The election, which had been delayed for a week due to technical challenges and intense political wrangling, took place in Mogadishu with several high-profile candidates...
Somalia says seven Al-Shabaab militants killed in planned security operation
MOGADISHU – Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) said on Tuesday it had killed seven Al-Shabaab militants in a planned overnight security operation in the Qaahira area of the Middle Shabelle region.
In a statement, NISA said the operation was carried out with support from international partners and resulted in the destruction of weapons depots and hideouts used by...
Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka Bilaabatay
Muqdisho – Doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo intaas kadib ay ansiyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka JFS.
Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada...
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho Ku Qaabilay Wafdi ka Socday Mercy Corps
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Mercy Corps, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha, cubto-yarida, iyo amniga, iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashi wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho Ku Qaabilay Wafdi ka Socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland, kaas oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud, Danjire Patricia Danzi, kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah,...
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal ka Tirsanaa Al-Shabaab oo ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe
Shabeellaha Dhexe – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ayaa fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay ilaa toddobo (7) xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay NISA, howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa...
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baaqashada Shirkii Wadatashiga ku Eedeysay Maamulada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baaqashada Shirkii Wadatashiga Qaranka ay mas’uul ka yihiin Maamulada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa mas’uuliyaddeeda qaran iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta ummadda Soomaaliyeed, ay sii xoojinayso hanaan...
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika Yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah
Pretoria, Koonfur Afrika – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola, ayaa maanta magaalada Pretoria ku yeeshay wada-hadallo laba-geesood ah oo muhiim ah.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo...
Musharrax Madaxweyne Maxamed Xuseen Rooble oo Kulan la Qaatay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Muqdisho – Musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hoygiisa ku casuumay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo maalmahan si hagar la’aan ah oo mas’uuliyad ku dheehan tahay u waday hawlo muhiim ah.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is-dhaafsi xogeed iyo muujinta mahadcelin rasmi ah oo ku aaddan dadaalka joogtada ah ee ay Guddiga Farsamadu u...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika Kulan Sharafeed kula Yeeshay Madaxweynihii Hore Thabo Mbeki
Johannesburg – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, oo safar rasmi ah ku jooga dalka Koonfur Afrika, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Mudane Thabo Mbeki.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kulamo rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda uu la yeelanayo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Koonfur Afrika iyo hoggaamiyeyaashii hore ee...











