Premier Bank oo suurtageliyay lacag-diris & Helis bangiyeed oo degdeg ah

0

MUQDISHO (SMN) – Premier Bank ayaa hirgeliyay nidaamkii ugu degdegta badnaa ee lacag diris iyo helid bangiyeed ah ee abid ka hirgala dalka, kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray bangiyada ka howlgala Bariga Afrika.

 

Lacagaha loo diro Soomaaliya ee maraya nidaamka Swift-ga Premier Bank ayaa hadda qaadanay saacado kooban halka ay horay u qaadan jirtay muddo u dhaxeysa 5 maalin ilaa todobaadyo, waana adeeg uu la gaar yahay Premier Bank.

Tallaabadan ayaa xal u noqoneysa caqabado ay wajahayeen ganacsatada soo dejinta iyo dhoofinta ku howlan, hay’adaha dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka iyo horumarinta ka shaqeeya, shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee mushaarka ku hela bangiyada, maalgashadeyaasha iyo qurbojoogta lacagaha badan u dira dalkooda.

Nidaamkan cusub ayaa sidoo kale suurtagaliyay in Soomaaliya loo diri karo noocyada kala duwan ee lacagaha dunida, halka nidaamkii hore uu koobnaa Doolarka Mareykanka oo kaliya, taasi oo caqabd ku ahayd macaamiil badan oo aan adeegsan Doolar, kuna qasbanayd kala bedelka lacagta oo qiime kale ku kacayay.

Premier Bank Kenya ayaa si rasmi ah u shaqo billaabay June 2023 kadib markii uu la wareegay milkiyadda bangigii First Comuunity ee horay isku xiraha u ahaa adeegga swift-ga marinka lacagaha ku socoda iyo kuwa ka baxa Soomaaliya. Arrinkaan ayaa marxalad cusub gelinaya nidaamka lacag dirista iyo helista bangiyeed ee dalka.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here