Puntland oo gashay xaalad jahwareer ah kadib go’aankii SSC-Khaatuma

0

GAROOWE (SMN) – Cabdulqaadir Maxamed Muumin oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay doorashooyinka maamulkaasi, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

 

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in go’aan dastuuri ah uu yahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, si looga gaashaanto dib u dhac sababi karo xasilooni darro siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta xulista xildhibaanada, maadaama ay SSC ku dhowaaqday in aysan soo qori doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahayd Golaha Wakiilada, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in la gaaro xal, kadibna la qaybiyo xildhibaamada 17-ka ah ama 49 soo haray ay soo doortaan madaxweynaha cusub ee Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Isimada SSC ay Puntland go’aan uga gaareen magaalada Laascaanood, waxayna sheegeeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, maadaama ay dhisteen maamul madax bannaan kadib dagaalkii ay la galeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here