Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Duqa Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir,.

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira G/Banaadir, asigoona Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here