Puntland oo shaacisay in khilaafka ka taagan dalka lagu xalinayo Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya uu ku soo dhammaan doono magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in xiisadda u dhexeysa labada dhinac ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aan, laguna xalin doono magaalada Garowe.

“Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu yiri Cabdi Ibraahim.

Sidoo kale waxa uu soo dhoweeyey shirka ay madax goboleedyada ku leeyihiin caasimadda Puntland ee Garoowe, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan meeshii ugu sarreysay ay gaartay xiisada ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here