Puntland oo shir amni ka yeelatay xaaladda Gobolka Bari iyo deegaanada maamulka

0

Bari – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.

 

Shirka ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Bari, gaar ahaan xoojinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xakamaynta hubka sharci-darrada ah, la dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, iyo ka hortagga isku dhacyada iyo colaadaha beelaha.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, bilicda iyo nadaafadda magaalada Boosaaso, banaynta waddooyinka xiran, kor u qaadista ilaha dakhliga Dowladda, la dagaallanka maandooriyaha, ilaalinta tayada daawooyinka iyo raashinka, iyo arrimaha dhul-daaqsimeedka iyo deegaamaynta.

Go’aannada laga soo saaray shirka

  1. Arrimaha amniga iyo xakamaynta hubka

Waxaa la adkeeyey mamnuucista in hub sharci-darro ah lagu qaato ama lagu dhex wato magaalooyinka Puntland.

Dowladda Puntland waxay la wareegaysaa hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto, iyadoo hay’adaha amniga iyo caddaaladda lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha Puntland.

Waxaa la joojiyey in gudaha Puntland la soo geliyo gaadiid loo adeegsan karo in lagu xiro hub ama agab ciidan. Gaadiidkaas waxaa lagu keeni karaa oo keliya oggolaansho laga helo Taliska Ciidanka, kaas oo uu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland. Hay’adaha amniga ayaa lagu amray inay la wareegaan gaadiid kasta oo ciidan oo si sharci-darro ah ku soo gala Puntland.

Hay’adaha amniga iyo caddaaladda waxaa lagu amray inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo ka shaqaynaysa hurinta ama ka qeyb qaadata abaabulka colaadaha beelaha.

Waxaa la go’aamiyey in la dardargeliyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah guud ahaan deegaanada Puntland.

Hay’adaha amniga waxaa lagu amray inay ka hortagaan soo gelinta, iibinta iyo isticmaalka daroogada iyo khamriga.

Waxaa la adkeeyey muhiimadda sugidda amniga badaha iyo ilaalinta xeebaha Puntland. Hay’adaha amniga ayaa lagu amray inay si buuxda u fuliyaan go’aannada Dowladda Puntland ee la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, isla markaana ay xoojiyaan tallaabooyinka looga hortagayo falalkaas sharci-darrada ah.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale lagu amray inay la dagaallamaan cid kasta oo ku lug leh falalka burcad-badeednimada. Waxaa la mamnuucay in askari aan ku jirin hawlgal rasmi ah uu hub la dhex maro gudaha magaalooyinka.

Hay’adaha amniga ayaa tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaya, isla markaana la wareegaya hub kasta oo loo adeegsado dagaallada beelaha iyo cid kasta oo ka qeyb qaadata colaadaha beelaha dhexdooda ah.

  1. Horumarinta ganacsiga iyo kor u qaadista dakhliga

Waxaa la dardargelinayaa kor u qaadista dakhliga Dowladda, gaar ahaan ilaha dakhliga ee xeebaha iyo marsadaha.

Waxaa la qabanayaa Shirweynaha Maalgashiga iyo Ganacsiga Puntland, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Waxaa la hawlgelinayaa Hay’adda Tayo-dhowrka, waxaana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kasta oo ka ganacsata daawooyin ama raashin aan tayadooda la hubin.

  1. Dib-u-habaynta bilicda iyo qorshaha magaalada Boosaaso

Waxaa la hirgelinayaa qorshaha banaynta waddooyinka iyo horumarinta bilicda magaalada, iyadoo la raacayo qorshaha iyo naqshadda horumarinta magaalada (Master Plan) ee ay soo gudbisay Maamulka Degmada Boosaaso.

  1. Dhul-daaqsimeedka iyo deegaamaynta cusub

Waxaa la mamnuucay hirgelinta deegaamayn cusub oo aan waafaqsanayn qorshaha iyo shuruucda Dowladda.

Hay’adaha amniga iyo kuwa ay khusayso ayaa lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo si sharci-darro ah u xiratay ama u qabsatay dhul-daaqsimeed, ama abuureysa deegaanno cusub oo aan haysan oggolaansho sharci ah.

Shirka ayaa ugu dambeyn adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo dhaqan geliyo dhammaan go’aannada kasoo baxay, iyadoo hay’adaha ay khusayso laga doonayo inay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelintooda.

May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here