Belgrade – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed oo ka dhacay magaalada Belgrade la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, kaas oo barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Serbia, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia.





