New York – Qaramada Midoobay (QM) ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyadeeda dalka ka howlgala, kaddib markii la soo afjaray howlgalkeedii ku-meel-gaarka ahaa ee Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in QM ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya, isla markaana ay la shaqeyn doonto dowladda federaalka, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
Guterres ayaa arrintan ku dhawaaqay Sabtidii, 31-ka Oktoobar, oo ahayd maalintii loo qorsheeyay in Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u soo afjaro howlgalladiisa, kaddib muddo uu qayb ka ahaa dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Guterres ku sheegay in xiritaanka UNTMIS uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay ka baxeyso Soomaaliya, balse ay taageerada sii mari doonto hay’adaha kale ee dalka ka howlgala.
“Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo hay’adaha degan, sanduuqyada iyo barnaamijyada, iyadoo la shaqeyneysa hay’adaha Soomaaliya, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara,” ayuu yiri Guterres.
Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ammaanay horumarka ay Soomaaliya samaysay sanadihii la soo dhaafay, isaga oo bogaadiyay adkeysiga iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed, inkastoo ay weli jiraan caqabado badan oo dalka ka jira.
“Waxaan ammaanayaa horumarka la gaaray iyo go’aan-qaadashada iyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ay wajahayaan,” ayuu raaciyay.
Guterres ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalihii ka soo shaqeeyay UNTMIS iyo howlgalladii Qaramada Midoobay ee ka horreeyay, isaga oo xusay kuwa naftooda ku waayay iyagoo ka shaqeynayay taageerada nabadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajahaysato caqabado waaweyn oo la xiriira siyaasadda, amniga, xaaladaha bani’aadannimo iyo horumarka. Wuxuu ku baaqay in beesha caalamku sii waddo taageerada ay siiso dalka, si loo xoojiyo horumarka, loo dhiirrigeliyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiin, loona dhiso hay’adaha dowladda, isla markaana loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
Xiritaanka UNTMIS ayaa daba socda geeddi-socod laba sano ah oo kala-guur ah, kaas oo billowday bishii Nofeembar 2024, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024).
Geeddi-socodkaasi wuxuu yimid kaddib codsi ay dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsanaa in mas’uuliyado dheeraad ah oo la xiriira maamulka dalka, nabad-dhisidda iyo arrimaha amniga loo wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, hawlihii UNTMIS waxaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, sanduuqyadeeda iyo barnaamijyadeeda.
Xiritaanka howlgalka ayaa soo afjaraya marxalad ka mid ahayd in ka badan soddon sano oo ay Qaramada Midoobay Soomaaliya ka waday howlgallo kala duwan oo taageerayay nabad-dhisidda, dhismaha dowladnimada, maamulka iyo dib-u-heshiisiinta.
Hase yeeshee, dhammaadka UNTMIS macnaheedu ma aha in la soo afjaray dhammaan howlgalada caalamiga ah ee Soomaaliya ka socda. Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu leeyahay waajibaad u gaar ah oo ka duwan kan UNTMIS.
AUSSOM, oo ay qayb ka yihiin ciidamo ka socda dalal ay ka mid tahay Uganda, ayaa sii wada howlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya. Muddada oggolaanshaha howlgalka ee hadda jirta ayaa ku eg 31-ka Diseembar 2026, kaddib muddo-kordhin uu sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.




