Wasiirrada Caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan laba geesood ah ku yeeshay Istanbul

0

Istanbul – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo safar shaqo ku jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Prof. Dr. Kemal Memişoğlu.

 

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca caafimaadka, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta iyo ballaarinta Isbitaalka Erdoğan ee Muqdisho, tababarka dhakhaatiirta takhasuska leh iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda lagu horumarinayo kaabeyaasha caafimaadka, oo ay ka mid yihiin qorshaha dhismaha Isbitaalka Warsheekh, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada xogta caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo casriyeynta nidaamyada caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso bahda caafimaadka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here