Muqdisho – Waxaa maanta la soo gabagabeeyay labadii sano ee kala-guurka ahaa ee Hawlgalka Siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa soo afjareysa in ka badan soddon sano oo Qaramada Midoobay ay si joogto ah uga qayb qaadanaysay dadaallada nabadeynta, dowlad-dhiska, maamulka iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Xiritaanka Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa noqonaya dhammaadka marxalad ka mid ahayd taageeradii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ay Soomaaliya siinaysay tan iyo sannadkii 1995-kii, markaas oo la aasaasay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS).
Taageeradaasi ayaa sii socotay markii la bilaabay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sannadkii 2013-kii, kaas oo markii dambe galay marxaladdii ugu dambeysay ee kala-guurka, isagoo noqday UNTMIS sannadkii 2024-kii.
Sida ku cad qorshaha kala-guurka ee labada sano ah, kaas oo ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, mas’uuliyadihii UNTMIS waxaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya, hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kale ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Madaxa UNTMIS ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in xiritaanka howlgalka uusan ka dhignayn dhammaadka xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, balse uu yahay bilowga marxalad cusub.
“Maanta ma aha dhammaadka iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, balse waa gabagabada cutub iyo bilowga mid kale,” ayuu yiri Raisedon Zenenga.




