Saciid Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is casilo

0

Garoowe –  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu xilka iska casilo, isaga oo sheegay in dalka uu wajahayo xaalad u baahan in la badbaadiyo, isla markaana loo baahan yahay wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

 

Deni oo hadal kooban ka jeediyay Telefishinka Puntland (PL TV) ayaa dhaliilay gogosha wada-hadalka ee Dowladda Federaalka ay u fidisay mucaaradka, isaga oo ku tilmaamay waqti-lumis.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uusan jirin wax laga dhowrayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu shaki ka muujiyay awoodda dowladda ee qabashada doorasho, isagoo sheegay in shirarka ay qabanqaabinayso aysan wax natiijo ah keeni doonin.

“Wax Xasan laga dhowrto ma jirto, doorashana ma qaban karo, shirarkiisuna waa waqti-lumis. Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu yeeraynaa wadatashi. Puntland waxba hagran mayso, waxayna ka shaqaynaysaa danteeda iyo danta Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Deni.

Wuxuu sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqay inaysan ka gaabsan dadaal kasta oo lagu badbaadinayo dalka, isaga oo yiri: “Dadka reer Puntland waxaan leeyahay, wax kasta oo dalka Soomaaliyeed lagu badbaadinayo hagar yeysan idinka gelin. Maanta maalin ay Soomaali inooga baahi badan tahay ma jirto.”

Ugu dambayn, Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay qayb ka tahay Soomaaliya, balse wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu xilka iska casilo, isla markaana uu dalka u tudho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here