Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Jalalaqsi + Khasaaraha

0

JALALAQSI (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo soo warramayaa inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jalalaqsi oo uu ku jiro guddoomiyaha degmadaas, Nuur Dheere oo lasoo wariyay inuu qaraxa ka badbaaday.

Weerarkan ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 5 ruux oo isugu jiro xubno ka tirsan maamulka degmada iyo dad shacab ah, waxaana dadka la xaqiijiyay dhimashadooda ka mid ah Maxamed Axmed Dhagacadde iyo Faarax Boosey oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaanay halkaasi.

Qaraxa kadib ayaa waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka sameeyay goobta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana gurmad loo fidiyay dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here