Maal-gelinta Qardu Xasan oo laga bixiyey magaalada Baydhabo

0

MUQDISHO [SMN] – Salaam Somali bank ayaa xarunta Baydhabo Maanta ka bixiyay barnaamijka Qardu Xasan [Free Microfinance] ee lagu taageerayo ganacsiyada yaryar, si ay kobac iyo horumar u sameeyeen.

Laanta ugu weyn ee bangigu ku leeyahay magaalada Baydhabo ayaa lacago maalgelin ah lagu siisay milkiilayaasha meheradaha yaryar ee nasiibka u helay fursaddan.

Sida lagu sheegay bayaanka bangiga, xirmada Qardu Xasan oo la bilaabay 2020 ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo ganacsatada maxalliga ah, iyada ujeedku yahay dib loo soo nooleeyo dhaqaalaha.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay Qardu Xasan, ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan Bangiga taageeradda, iyagoo sheegay inay maalgelinta qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka Ganacsigooda.

Muddo kow iyo toban sano ah oo adeeg ah, Salaam Somali Bank wuxuu ammaan ka helay sida ay uga go’an tahay hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed iyada oo la xoojinayo ganacsiyada yaryar.

Bangiga gaarka loo leeyahay ayaa barnaamijka ka fuliyay Muqdisho iyo gobollada kale, isagoo ballanqaaday inuu gaarsiin doono dhammaan xafiisyadiisa ku yaalla gobollada kale ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo Sawiradda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here