Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo

0

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland.

Qatar ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in la qarxiyo dhalinyaro ciyaartoy ah oo aan waxba galabsan, waxayna ka tacsiyadeysay geeridii ku timid ciyaartoyda.

Bayaan ay soo saartay Qatar ayaa waxaa lagu yiri: “Dowladda Qatar waxay ku celinaysaa mowqifka adag ee diidmada rabshadaha iyo argagixisada, iyadoo aan loo eegin ujeeddooyinka iyo sababaha”

Xukuumadda Doha waxay intaasi ku dartay inay ka taageerayso dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, islamarkaana ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo, kaasoo ay ku dhinteen illaa afar qof, kuwaasoo ahaa ciyaatoy la socotay bus-ka lagu xiray qaraxa.

Madaxda sare ee dowladda iyo Jubaland ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaasi ka dhacay magaalada Kismaayo shalay gelinkii dambe kaasoo kusoo aadaya xili magaalada Khamiistii ay ka billaabatay doorashada Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here