QM oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay doorashadii xalay lagu qbatay Afisyooni ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu hambalyaynaysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee Soomaaliya, waxayna rajaynayaan in ay kala shaqeeyaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.

Sidoo kale waxa ay bogaadinaysaa Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelaya.

Qaramada Midoobay waxa ay siodoo kale ku ammaanaysaa guddoomiyeyaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here