QM oo la filayo in ay go’aan ka soo saarto dagaalka ka socda Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa berri la filayaa in ay war kasoo saaran markale xaaladda Laascaanood, inkasta oo warkan la filayay Jimcihii lasoo dhaafay, in uu soo baxo haddana dawladda UK ayaa dalbatay in erayada qaarkood wax laga bedelo.

 

20-kii maalmood ee lasoo dhaafay ayay taagnayd doodaha xubnaha Golaha Amaanka ee la xariirta mawqifka laga qaadanayo dagaalkan, markii warbixino laga soo aruuriyey Laascaanood oo ay kujiraan macluumaadka qarsoodiga ah lala wadaagay xubnaha golaha, dawladdaha qaarkood ayaa Is-hor istaag sameeyey in macluumaadka la shaaciyo.

Warsaxafaadeedka laga filayo wakiilada caalamiga ah ayaa taaban doona, in dagaalka ay tahay qasab in lajoojiyo, ciidamada Somaliland-na laga qaado Laascaanood, ciidanka deeganka is xakameeyaan, wada hadalna labada dhinac lays kugu keeno, kaas oo cida dhexdhexaadinaysa ay ka imaanayso Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here