QM oo war kasoo saartay diyaaraddii u gacan gashay kooxda Al-Shabaab

0

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana ‘wadday daadgureyn caafimaad’ taas oo ku dhacday deegaan ka tirsan Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.

 

QM ayaa sheegtay inay waddo dadaallo looga jawaabayo shilkan, isla markaana ay ‘ku howlan tahay ururinta macluumaad dhammeystiran’ oo la xiriira shilka diyaaraddaas.

Diyaaraddan ayaa ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, isla markaana ay gacanta ku hayaan xubnaha Al-Shabaab,

Ilo-wareed degaanka ah iyo saraakiil kaleba ayaa sheegay in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.

Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegayinay la socdeen lix qof, halka ilo wareed kale uu sheegay inay saarnaayeen sagaal qof.

Diyaaraddan ayaa mas’uuliyiintu sheegeen inay ka kacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayna u socotay degmada Wisil oo ka tirsan gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here