Daawo: Banaanbax ballaaran oo ka billowday magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya, ayna ka qayb-galayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan ka billowday magaalada Muqdisho.

 

Dibadbaxan oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah ayaa waxaa looga soo horjeedaa damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan baddeenna Soomaaliya.

Wariyeyaasha Shabelle oo ku sugan goobta dibadbaxa ayaa soo sheegaya inuu goordhow ka billowday isgoyska KM4 oo ay ku sugan mas’uuliyiin iyo shacab fara badan.

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, ayada oo aad loo adkeeyay ammaanka caasimadda.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale ay dibadbax u dhigeen shacabka Muqdisho, kaas oo isna looga soo horjeeday heshiiska badda ee maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here