Sawirro: Guddoonka labada Aqal oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Ujeedka wafdigan ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ah inay qayb ka noqdaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas u tegay inuu ka hoggaamiyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here