Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saaka u ambabaxay dalka Kenya

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre  oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socdo ayaa halkaas ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal.

Xamza ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo isagu u fidiyay casuumadda booqashada maanta uga bilaabatay Nairobi.

Waa safarkii ugu horrreyay ee uu Xamsa Cabdi Barre ku tegayo dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here