Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwidda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dhantahay.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño 2026–2027, kaas oo mideynaya dadaallada iyo mas’uuliyadaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ku saleysan saadaasha iyo digniinta hore.
Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niño ayaa kulanka lagu ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabista iyo soo-kabashada. Qorshahan ayaa sidoo kale xoojinaya isku-duwidda ay Dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa dhammaan hay’adaha iyo hawl-wadeennada ku adkeeyay in awaamiirta iyo qorshayaasha la dejiyay si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka laga filayo qorshaha.




