Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awooddiisa, iyo horumarinta tababarka iyo tayada ciidanka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo cirka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdiga Dowladda Pakistan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.
Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga shaqaynayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Soomaaliyeed, xilli uu dalku ku jiro dadaallo dib loogu soo celinayo awoodda iyo tayada ciidanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo taageerada dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo guud ahaan tayaynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.





