Rome, Talyaaniga – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Caafimaadka Mideysan (One Health) iyo nidaamyada cuntada iyo beeraha.
Shirkan ayaa isu keenay dowlado, hay’ado caalami ah, khubaro, aqoonyahanno iyo bah-wadaagyo kala duwan, si loo xoojiyo tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu ilaalinayo caafimaadka dadka, xoolaha, deegaanka iyo nidaamyada cuntada.
Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Dr. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Caafimaadka Mideysan (One Health), ahna La-taliyaha Amniga Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Intii uu socday shirku, Soomaaliya waxay sidoo kale kulamo heer sare ah la yeelatay hoggaanka Sanduuqa Cudurrada Faafa ee Pandemic Fund iyo madaxda sare ee FAO, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Xarunta Dhexe ee FAO, Xafiiska Gobolka iyo Xafiiska FAO ee Soomaaliya.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda hirgelinta Mashruuca Pandemic Fund ee Soomaaliya, horumarinta fulintiisa, mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda, iskaashiga iyo taageerada farsamo ee loo baahan yahay.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii maalgelinta Pandemic Fund ay si wax-ku-ool ah uga qayb qaadan lahayd xoojinta awoodda Soomaaliya ee ka-hortagga, diyaar-garowga, ogaanshaha iyo ka jawaabista cudurrada faafa iyo khataraha caafimaad ee soo baxaya.
Shirkan iyo kulamada heerka sare ah ayaa muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya, maadaama caafimaadka bulshada, caafimaadka xoolaha, sugnaanta cuntada, deegaanka iyo hab-nololeedka bulshada ay si dhow isugu xiran yihiin.
Cudurrada faafa, isbeddelka cimilada, nafaqo-darrada iyo khataraha ka dhasha is-dhexgalka dadka, xoolaha iyo deegaanka ayaa u baahan aragti qaran oo mideysan, iskaashi hay’ado badan leh iyo tallaabo wadajir ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu fursad u noqday xoojinta iskaashiga caalamiga ah, wadaagista waayo-aragnimada dalka iyo helidda aqoon, khibrad, taageero farsamo, maalgelin iyo iskaashi lagu horumarinayo ka-hortagga, ogaanshaha hore iyo wax-ka-qabashada khataraha caafimaad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadi doonta xoojinta Caafimaadka Mideysan (One Health), oo ah hab qaran oo isku xira caafimaadka dadka, xoolaha iyo deegaanka, isla markaana qayb muhiim ah ka ah amniga caafimaadka qaranka, adkeysiga bulshada, sugnaanta cuntada iyo horumarka waara ee Soomaaliya.




