Ra’iisul wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Kulanka ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo lagu sii amba qaadi doono howlaha lagu dar dargelinayo arrimaha doorashooyinka dalka, maadaama uu Ra’iisul Wasaare Rooble dhameystiray Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed, iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, kuwaasi oo 27 bishan loo qaban doono tababar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here