Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay guddodomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka  Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulankan ayaa waxaa looga Arrinsaday u diyaar-garowga doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland)  iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska xubnaha musharaxiinta Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here