Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD, taas oo lagu horumarinayo waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabad kooban ka hadlay kaddib dhagax-dhigga xarunta ayaa sheegay in jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda.
Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyey horumarka Jaamacadda SIMAD iyo dadaallada maamulkeeda ee lagu ballaarinayo fursadaha waxbarashada. Waxa uu sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu qeyb ka yahay hirgelinta jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya aqoon iyo xirfado waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
“Waxaan bogaadinayaa Jaamacadda SIMAD dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarashada, gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, Cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xarun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska. Waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay soo kordhisay Jaamacadda SIMAD,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in jaamacaddu sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo leh aqoon, karti iyo hal-abuur wax ku biirin kara dhismaha mustaqbalka dalka.
Mashruuca xarunta cusub, oo loo dhisayo qaab casri ah, waxaa iska kaashanaya hay’adda Direct Aid iyo Jaamacadda SIMAD. Waxa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon barashada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda.
Xaruntan ayaa la filayaa inay door ka qaadato horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada degdegga ah ee ka socda dhinacyada sayniska iyo tiknoolojiyadda.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay dadaallada hay’adaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, isaga oo tilmaamay in nabadda iyo xasilloonidu ay muhiim u yihiin kobaca waxbarashada, maalgashiga iyo horumarka guud ee dalka.





