Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Xuska Dadkii ku Dhintay Qaraxii Soobe

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Isgoyska Soobe kaga qeybgalay munaasabad lagu xusayay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii ay Khawaarijtu ka geysteen halkaasi 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo maanta laga joogo sagaal sano.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in 14-ka Oktoobar ay tahay maalin murugo iyo tiiraanyo qaran, isla markaana xusuusteedu weligeed ku sii jiri doonto quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in maalintaasi ay ahayd markii Khawaarijtu ay si arxan-darro ah u xasuuqeen boqollaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan, taas oo raad murugo leh ku reebtay shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu dambeyn Alle SWT uga baryey dadkii ku naf waayey qaraxaasi inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladoodana uu ka siiyo samir iyo iimaan.May be an image of one or more people, crowd and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here