Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim Axmed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan hay’adaha amniga, si guddigu u guto waajibaadkiisa sharciyeed si hufan oo madax-bannaan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhankiisa muujiyay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay taageeridda iyo la shaqeynta Guddiga, isagoo ballanqaaday inuu kala shaqeyn doono sidii uu guddigu u gudan lahaa waajibaadkiisa sharciyeed isaga oo madax-bannaan.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada hay’adaha dowladda ee ay shaqadoodu khuseyso, si loo fududeeyo howlaha guddiga ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, waxaa kulanka ku wehliyay xubno ka tirsan guddiga, kuwaas oo kala ahaa Komishaneer Muumino Sheekh Cumar, Komishaneer Cali Maxamed Cilmi, Komishaneer Axmed Sheekh Xamza iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga, Mustaf Axmed Maxamuud.




