Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Adeegyada Asluubta iyo Dib-u-habaynta Xabsiyada Soomaaliyeed, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta nidaamka asluubta dalka, tayeynta adeegyada xabsiyada iyo dib-u-habaynta xarumaha lagu hayo maxaabiista, si loo helo hannaan cadaaladeed oo waafaqsan shuruucda dalka iyo mabaadi’da xuquuqda aadanaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka asluubta, lana horumariyo adeegyada ay helaan dadka ku jira xabsiyada.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, dhowrista karaamada aadanaha iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo ku dhisan sharciga, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa shaaciyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in muddo dhow dib-u-eegis lagu sameeyo xaaladda maxaabiista u xiran deymaha iyo kiisaska fudud.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid lagu xaqiijinayo in kiisaska maxaabiistaas loo maareeyo si waafaqsan sharciga, isla markaana loo helo xalal caddaaladeed oo ku habboon xaaladahooda.




