Kampala, Uganda – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaysa Shirka 48-aad ee caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, gaar ahaan Hoteelka Speke Resort Munyonyo. Shirka ayaa ku billowday kulanka Saraakiisha Sare ee dalalka xubnaha ka ah ururka, kaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira iskaashiga iyo isku-dhafka dhaqaale ee gobolka.
Soomaaliya waxaa shirka ku matalaya Axmed Warsame, Agaasimaha Isku-dhafka Dhaqaalaha, iyo Cabdiraxmaan Abshir, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Sharciga iyo Heshiisyada, kuwaas oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Waxaa sidoo kale kulanka si fogaan-arag ah (Virtual) uga qeybgalaya wakiillo ka socda hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Ajendaha shirka ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista hirgelinta go’aannadii hore ee Golaha Wasiirrada EAC, arrimaha maaliyadda iyo maamulka hay’adaha ururka, iyo mudnaanta la siinayo xoojinta isku-dhafka gobolka.
Kulanka Saraakiisha Sare ayaa waxaa xigi doona shirarka Guddiga Isku-duwidda iyo Golaha Wasiirrada, kuwaas oo sii ambaqaadi doona ka doodista qodobada horyaalla ururka iyo go’aannada la xiriira iskaashiga dalalka xubnaha ka ah.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta doorka dalka ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, horumarinta iskaashiga gobolka iyo ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo is-dhexgal ee dalalka xubnaha ka ah EAC.




