Rooble “Ciidanka Amniga waa in Shacabka ay u fududeeyaan Gudashada Cibaadada”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed  meelkasta oo ay joogaan iyo dhamaan Ummadda Muslimka ah ugu hambalyeeyay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay u gurmadaan walaalahood Soomaaliyeed, gaar ahaan agoonta iyo kuwa danta yarta ah ee aan waxba heysan.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Allaha na waafajiyo kheyrkeeda. Fadlan aan is caawinno oo si gaar ah u taakuleyno danyarta iyo agoonta una duceyno dalkeenna, Ramadaan Kariim”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hay’adaha ammaanka faray inay xoojiyaan Nabadgelyada, ayna shacabka u fududeeyaan sidii ay u cibaadeysan lahaayeen, isagoo shacabka ka dalbaday dhankooda inay la shaqeeyaan dhamaan laamaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here