Barnaamijka tartan aqooneedka oo si rasmi ah uga billowday Shabelle

0

Xarunta dhexe ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaaxalay si rasmi ah uga billowday barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

Tartankan oo xiiso gooni ah xambaarsan ayaa waxaa daah-furay agaasimaha guud ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, Mudane Abuukar Sheekh Maxamud (Sky), wuxuuna faah faahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in u jeedka loo qabanayo tartankani uu yahay is dhex-gal bulsho iyo in la kala faa’iideysto aqoon guud.

Sidoo kale waxaa munaasabadda furitaanka waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha guddiga tartan aqooneeda faca weyn ee Shabelle, Cabdullahi Cismaan Cadaani, kaas oo shaaciyey shuruudaha tartanka oo gaaraya illaa 10 qodob, lagana doonayo inay ilaaliyaan tartamayaasha degmooyinka,

Cadaani ayaa sidoo kale ballan-qaaday ka guddi ahaan inay si cadaalad ah ugu xaq-soori doonaan degmooyinka sanadkan ka qeyb-galaya barnaamijka.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda galay tartanka, iyada oo lagu billaabay degmooyinka waa weyn ee Xamarweyne iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Labada degmo ayaa soo bandhigay tartan aad loo jecleystay, waxaana guusha ay raacday tartamayaasha degmada Xamarweyne oo helay dhibco gaaraya 14, halka Shibis oo tartanka isaga hartay ay la timid 10 buundo, sida u uku dhowaaqay Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah howl-wadeenada tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal marineyso degmooyinka gala kaalmaha hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here