Rooble oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay taliyeyaasha Booliska Soomaaliya, AMISOM & guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) isagoo kala hadlay xoojinta amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here