R/W Rooble oo laga dalbaday inuu dib u eegis ku sameeyo liiska Aqalka Sare ee Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Iyada oo maanta la soo saaray liiska xubnaha musharixiinta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa qaar ka mid ah Senataradii horey ugu fadhiyey kuraastaas waxa ay sheegeen in laga reebay liiska iyo gabi ahaan doorashada.

Senatar Nuura Faarax Jaamac oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Aqalka Sare, balse haatan aan ku soo bixin liiska ayaa shaacisay inay sharci darro u aragto tallaabada ay qaadeen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

“Liiska maanta ay soo saareen guddoomiye Cabdi Xaashi & Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi, kuwaas oo markii horeba aanu u arkeynay inay aheyd deel-qaaf. Nin wax doonaya oo doorasha raba in garsoor uu kuu noqdo haddane waxaan aaminsaneyn qadarta Alle iyo in Ilaahey uu bixiyo mansabka,” ayey tiri Senatar Nuura oo wareysi siiyey Shabelle.

Sidoo kale Senatar Nuura Faarax Jaamac ayaa ugu baaqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga doorashooyinka inay wax ka qabtaan cadaalad darro ay sheegtay in lagu sameeyey kuraasta liiskooda maanta la shaaciyey ee gobollada waqooyi (Somaliland).

“Umumadda Soomaaliyeed, guddiga doorashooyinka iyo Ra’iisul wasaare Rooble waxaan rabnaa inaan u iftiimino liiska maanta soo baxay dhammaantiis wuxuu ka fog-yahay xaqiiqada,” ayey markale hadalkeeda sii raacisay Senatar Nuura Faarax Jaamac.

Hadalkan ayaa ku soo, iyada oo Ra’iisul wasaaraha loo gudbiyey liiska xubnaha u tartamaya 11 kursi ee Aqalka Sare ee ka imaanaya Somaliland waxaana ka soo muuqday guddoomiye Cabdi Xaashi oo xirtay kursi gaar ah, isla-markaana aysan jirin cid kale oo la tartameysa.

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here