Deni oo war kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub ee Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.

 

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay soo xulista xildhibaanada cusub, kadib markii ay qaadaceen xubnaha mucaaradka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here