Soomaaliya Oo Saxiixday Baaqa Wadajirka ah Ee Afrika Ee Horumarinta Sayniska Badaha

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa ka qaybgalay shir doceed lagu qabtay intii uu socday Shirweynaha 11-aad ee Badaha, kaas oo lagu falanqeeyay xoojinta sayniska, cilmi-baarista iyo aqoonta la xiriirta badaha.

 

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, wafuud heer wasiir ah, madax ka socotay Midowga Afrika iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha badaha. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday muhiimadda ay leedahay horumarinta cilmi-baarista badaha iyo xoojinta aqoonta lagu maareynayo khayraadka badda.

Kulanka ayaa lagu soo saaray baaq wadajir ah oo ka kooban toddobo qodob, kaas oo dowladaha ka qaybgalay ay ku ballanqaadeen inay xoojiyaan siyaasadaha taageeraya sayniska iyo aqoonta badda, isla markaana ay ilaaliyaan madaxbannaanida cilmi-baarista iyo xogaha la xiriira badaha.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa munaasabadda ku saxiixay baaqa wadajirka ah ee Afrika, isagoo caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta cilmi-baarista badaha, xoojinta iskaashiga gobolka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda si waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here