Saraakiil uu ku jiro taliye Farxaan Qaroole oo maanta la dalacsiiyey

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi farmaajo ayaa darajadda Generaal u dalacsiiyey saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Genaral Farxaan Maxamud Aadan.

Sidoo kale saraakiisha la dalacsiiyey ayaa waxaa ku jira taliyaha hoggaanka Isgaarsiinta iyo taliyaha Dugsiga Tababarka ee Generaal Kaahiye.

Dalacsiinta saraakiishan ka tirsan Booliska ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maanta Muqdisho lagu xusay maalinta aas-aaska ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here