Sawirro: Cali Guudlaawe oo qabtay shir looga hadlayey amniga HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga ee maamulkaasi.

Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle,Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Caasimada Jowhar.

Hirshabeelle ayaa u diyaar garoobeyso qabashada doorashada Golaha Shacabka oo kuraas ka mid ah lagu dooranayo magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here