Sawirro: Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dib u dhiska garoonka Qoob-Dooro

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray garoonka kubadda cagta Qoob-dooro degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska garoonkan ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo hey’adda TISPLUS, isagoo xusay in garoonka uu hadda diyaar u yahay inkastoo dayactirka wajigii koowaad la soo gabagabeeyay.

Waxaa uu sheegay in garoonka uu u baahan yahay in lagu goglo cawska macmalka ah iyo nalalka waa weyn si habeenkii loogu ciyaaro.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay garoonka Qoob-dooro uu kamid yahay garoomada ciyaaraha ee ugu waa weyn caasimadda Muqdisho isla markaana dhalinyaro badan soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here