Sawirro: Lafta Gareen oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada K/Galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga,Warfaafinta,Waxbarashada,iyo Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Isaag Cali Subag oo ka warbixiyey Xaalada Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan Howlgalo lagu Sugayo Amniga.

Wasiirada Wasaaraddaha Warfaafinta,Waxbarashada iyo Dastuurka ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan  sida ay uga goantahay sidii si Cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana uu Gollaha Wasiiradda Warbixin ka siiyey Shirkii Arimaha Doorashooyinka uga qeybgalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here