Sawirro: Madaale oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay u qaabilsanaha Xafiiska Soomaaliya ee Hey’ada Caafimaadka Aduunka (WHO) Dr. Malik Mamur.

 

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen  Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqeynta Maamulka Gobolka Banadir iyo Hey’adda WHO.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hey’adda WHO uga mahad-celiayay taageerada iyo garab istaagga  ay la garab joogaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here