Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – MGuddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale ulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin iyo Cabdullaahi Abshirow.

Kulanka oo ahaa kii 26-aad ee Guddiga Joogtada ayaa ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here