Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Sheekh Aadan Madoobe iyo safiirka Imaaraadka?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah  safiirka dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here