Muxuu Wasiir Al-Cadaala ka yiri sanad guurada 20-aad ee aas aaska Shabelle?

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasime ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo xalay ka qayb-galay munaasabad lagu xusayey sanad guurad 20-aad ee aas aaska Shabelle ayaa ka hadlay waayihii Shabelle iyo marxaladaha kala duwan ee ay soo martay.

Al Cadaala oo ka mid ahaa Wariyeyaashii kasoo shaqeeyey Shabelle ayaa sheegay in 8 jeer la xiray, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Shabelle darteed.

Sidoo kale wuxuu khudbadiisa kusoo hadal qaaday dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

“Aniga Shabelle darteed 8 mar ayaa la ii xiray, Doorashada dalka meel xasaasi ah ayay mareysa, marin habaabinta iyo sharciga la dumiyo waa diidnay xildhibaanadda Codkoodda shacabka ha ugu hiiliyaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somalia.

Halkan hoose ka daawo:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here