Sawirro: Nin baabuur ku waday qaraxyo oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

 

Ninka la dilay ayaa waday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxaa warkan lagu shaaciyay in ciidamada ammaanka oo hayay xogta gaariga iyo ninka la dilay ay sameeyeen ka hortag, isla-markaana ay toogasho ku dileen xilli uu ku sugnaa gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dowladdu waxa ay sheegtay in baabuurka laga furay qaraxyada, ujeedkana uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka, sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn saraakiisha amniga ayaa u mahadceliyay shacabka la shaqeeyay, maadaama laga hortegay weerarkaas oo kusoo wajahnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here