Sawirro: NUSOJ oo tabbabar ku soo gebo-gabeysay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyey. Tababar saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay u socdey 35 Wariye oo ka hawlgala xarumaha Warbaahinta ee Puntland iyo Suxufiyiin madax banaan.

 

Tababarka oo lagu baranayey kor u qaadista Tayada Warbaahinta iyo samaynta warbixinaha soo bandhiga waxyaabaha qarsoon, waxaa soo xiray Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan oo Garoowe ku sugnaa Afartii maalmood ee lasoo dhaafay.

Burhaan Axmed Daahir oo ah khabiir warbaahineed iyo tababare sare oo bixinayey tababarka maalmihii lasoo dhaafay ayaa la dardaarmay Wariyayaashii ka faa’iidaystey tababarkaas mudadii uu socdey.

Ugu danbayn Wariyayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa NUSOJ ugu baaqay in la joogteeyo tababarada noocan ah oo hore u yaraa, waxayna NUSOJ ka dalbadeen in la dheereeyo wakhtiga tababarka, maadaama muhiimada uu leeyahay aan lagu dhamayn karin saddex maalmood oo keliya sida ay sheegeen qaar kamid ah ka qaybgalayaashii tababarka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here