Xildhibaano ka tirsan BF oo ka hadlay xaaladda Cabdirashiid Janan + Video

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay, isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka.

 

Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa faahfaahin ka bixiyay arrinta wasiir Janan, wuxuuna farriin u diray dowladda Kenya.

Fartaag ayaa ugu baaqay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha nabad-sugidda ee dalkaas inay soo farogeliyaan arrinta Cabdirashiid Janan, si loo soo daayo.

Sidoo kale wuxuu Kenya ka dalbaday haddii uu dambi galay in lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya, si ay labada dowladdood uga wadahadlaan arrintiisa.

Tan iyo markii la waayey Cabdirashiid Janan ayaa waxaa isa soo tarayay walaac la xiriira xaaladdiisa, ayada oo lasoo wariyay inuu u gacan galay sirdoonka dalka Kenya.

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here