Sawirro: Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo gaaray magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Raiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo si uu ugu kuur-galo xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-nino).

 

Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda SoDMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa booqday xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, Isagoo kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here